152 arday oo dhameystay Kulyadaha kala duwan ee Jaamaacada Geeska Afrika ayaa xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Xaflada waxa ka qeyb galay wasiiro dowlaha waxbarashada Soomaaliya. Xildhibaano masuuliyiin kale, madaxda Jaamacadda, marti sharaf iyo waalidiin, waxa lagu soo bandhigay riwaayad ka turjamaysay ahmiyada waxbarashada
Agaasimaha Guud ee wasaarada shaqada iyo Arrimaha bulshad Soomaaliya maxaed Cadde Mukhtaar iyo xildhibaan Maxamed cumar Dalxa ayaa ugu hambalyeeyay ardayda qalin jabintooda
Madaxa Xiriirka Jaamacada C/xakiin Sheekh Xuseen Bashiir oo mahadc celiyay dhamaan dadkii ka soo qeyb galay xafladda ayaa tilmaamay inay jaamacadda soo dhaweynayso ardayda doonaya darajooyinka kala duwan ee jaamacadda oo ay ku jiraan Master iyo PHD oo ay kala kaashanayaan Jaamacada caalamiya oo qaarkood ku yaala dalalka Yurub
Gudoomiyaha Jaamacadda Geeska Afrika Maxamed Cusmaan Abbe sheikh ayaa sheegay inay ka go’an tahay Jaamacadda soo saarida arday tayo iyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.
‘ waxaan ku hambalyaynaya ardayda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda waxaan ku dadaalaynaa marwalba soo saarista arday waxtar keh oo bulshadooda u shaqaysa’’ ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacadda
Wasiiro dowlaha waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya c/raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) oo bogaadiyay qalinjabinta arayday waxa uu tilmaamay inay wasaaradu ka shaqeysnayso sare u qaadida tayada waxbarshada dalka.
‘ waxaan u hambalyaynayaa ardayla Qalin jabisay iyo Jaamacadda Horn Afrik, waxaan rabnaa iinaan dhiira galino jaamacadaha waqtiga adag waxbarayay ardayda Soomaaliyeed sida jaamacaddani, waxaa ahmiyadda koowaad ay siiinaysaa wasaaradda waxbarashada kor u qaadista tayada waxbarashada dalka’’ ayuu Wasiiro dowlaha waxbarashada Soomaaliya
Gabagabadii xaflada waxa shahaadooyin la gudoonsiiyay ardaydii dhamaysatay Darajada koowaad ee jaamacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho